Ku-dhawaad saddex kun oo Tahriibayaal oo laga soo badbaadiyey Xeebaha dalka Libya.

Hadal ka soo baxay Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay in Muhaajiriintaasi shalay laga soo badbaadiyey iyagoo doonyo ku marayey Badda Mediterranean-ka si ay u gaaraan Europe.

Gurmadkaasi  ayaa qaatay 22 Hawlgalo kala duwan oo ay Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga xiriirinayeen.

Markabka Aquarius oo  ay leedahay Hay’adda Dhakhaatiirta aan Xuduudka Lahayn ayaa la sheegay inay soo badbaadiyeen 946 qof oo ay ku jiraan 200 oo qof oo aan qaan gaarin oo aysan waalid la soconin.

Tahriibayaasha uu Markabkaasi soo badbaadiyey ayaa la sheegay inay la socdeen 9 dooni alwaax ah iyo kuwo nooca la buufiyo ah.

Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in 26.206 qof laga soo badbaadiyey Xeebaha Libya tan iyo Jimcihii la soo dhaafay.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media