(SAWIRO): Galmudug oo Puntland ku wareejisay rag iyo gaari laga soo dhacay Waqooyiga Gaalkacyo..

Tallaabo naadir ah ayaa waxay maanta ka dhacday magaalladda Gaalkacyo, kadib, markii ay Maamulka Galmudug u gacan geliyeen Maamulka Puntland 2 nin oo lagu eedeeyey inay gaadiid ka soo dhici jireen Deegaanadda Puntland.

Munaasabad labada Eedeysane lagu wareejinayey ayaa waxaa ka soo qeyb galay Taliyayaasha Boliska ee Labada Maamul oo iyagu qiray inay ka go’an tahay inay iska kaashaadan Dembiilayaasha dhibaateeyo dadka ku nool Gaalkacyo.

Eedeysanayaasha oo lagu kala magacaabo Faarax Nuur Shire iyo Maxamed Axmed Cismaan “Biifo” ayaa loo soo bandhigay Saxaafadda, waxaana Eedeysanayaasha lagu wareejiyey Taliyaha Boliska Gobalka Mudug ee Maamulka Puntland, Cismaan Xasan Cuuke.

Mid ka mid ah Eedeysanayaasha ayaa  sheegay inuu dhaca u geystay sababo la xiriira isagoo shaqo la’aan ah, isla markaana Aabe u yahay 9 Carruur ah.

Dhinaca kale, Eedeysane kale oo ka soo jeeda Galmudug oo ka mid ah Kooxda dhaca u geysta Gaadiidka ayaa isagana la filayaa inay Maamulka Galmudug soo maxkamadeeyaan.

Eedeysanayaasha ayaa lagu soo qabtay Kontoroolka Koonfurta Gaalkacyo, xilli ay doonayeen inay la baxsadeen Gaari noociisu ahaa NOAH  ay ka soo dhaceen dhinaca Puntland.

3-9

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media