Wasiirka Kalluumeysiga ee dalka Yemen, Fahad Kafiyeen ayaa maanta sheegay inay ku-dhawaad 60 qof lagu la’ yahay Markab ku degay meel ka baxsan Jesiiradda Sukhotra ee dalkaasi.
Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in Markabkaasi la la’aa muddo 5 maalmood, xilli uu Markabka u kala gooshayey Koonfurta Gobalka Xadarmuut iyo Jesiiradda Sukhotra oo aad ugu dhow Xeebaha Somalia.
Telefishinka Sky News Arabia ayaa ka soo xigtay Mas’uuliyiin Yemeni ah in la badbaadiyey 12 qof oo ka mid ha dadkii la socday Markabkaasi.
Wakaalladda Wararka ee Dowladda Yemen ee Sabanews.net ayaa sheegtay in Labo Markab oo laga kala leeyahay dalalka Awstariya iyo Australia inay soo badbaadiyeen 2 ka mid ah dadkii la socday Markabkaasi.
Ma kala cdda inay Maraakiibtaasi ahaayeen Marakiib Ganacsi iyo inay qeyb ka ahaayeen Maraakiibta Caalamiga ee Hawlgalka La-dagaalanka Burcad-baddeedka ka wada Xeebaha Somalia
Wakaalladda Wararka ee AP ayaa iyadana laga soo xigtay in Markabkaasi ku degay meel ku-dhawaad 40-KM u jirta Jesiiradda Sukhotra, iyadoo dadka la socday ku jireen carruur iyo haween.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobalka Xadrmuut, Jeneral Axmed Bin Breyk ayaa sheegay inay Qeylo-dhan taageero ah u direen Isbahaysiga Sacuudiga, si ay gacan uga geystaan Baaritaanka dadka weli lagu la’ yahay Markabka ku degay meel ka baxsan Jesiiradda Sokhatra.
©Radio Dalsan