Dhmaan Diyaaradihii ku duuli lahaa iyo kuwii ku soo degi lahaa Garoonkaasi ayaa muddo 60 dqiiqo la xiray, kadib, markii ay Ciiddanka Cirka ee dalkaasi Dhoolatus ku sameynayey Hawada Sare ee magaalladda Nairobi.
Dhoolatuskaasi aya loogu diyaar-garoobaya Maalinta Xorriyadda Dalkaasi ee loo yaqaano Jamhuri Day oo ku beegan bishan December 12-da.
Ugu yaraan 9 Dullimaad ayuu saamayn ku yeeshay Dhoolastuskaasi oo socday 11:20 daqiiqo ee barqanimo ila 12:20 daqiiqo ee Duhurnimadii maanta.
Dhinca kale, Carqaladda ku timid Jadwalka Duullimaadka ee Garoonka Jomo Kenyatta ee Nairobi ayaa ku soo beegmaysa hal isbuuc kadib, markii ay Diyaarad ka timid Somalia oo ay Lugaha u bixi waayeen ay si degdeg ah ugu soo degtay Dhabaha ay Diyaaradaha ka haadaan Garoonkaasi.
Xigasho: Daily Nation
©Radio Dalsan