Ku-dhawaad 1,800 Tahriibayaal ka soo shiraacday Libya oo la badbaadiyey.

24-kii saacadood ee la soo dhaafay, Maraakiibta Ciiddanka Badda Talyaaniga waxay taageero ka geysteen sidii loo soo badbaadin lahaa 1,759 Tahriibayaal la socday Doonyo ay ku soo gaari lahaayeen Xeebaha Talyaaniga.

Hadal ka soo baxay Ciiddanka Badda ayaa lagu sheegay inay qaadeen 10 Hawlgal oo lagu soo badbaadiyey Tahriibayaasha, iyadoo ay tiradooda sii kordhayso kadib, markii ay Cimiladdu noqotay mid diirimaad leh.

Gurmadkaasi waxaa kaloo ka qeyb galay Hay’addaha Xuduudaha ee Yurub iyo Hay’adda Dhakhaatiirta aan Xuduudka Lahayn ee MSF.

Markabka dagaalka ee GRECALE ee Talyaaniga ayaa Tahriibayaasha u soo daabulay Dekedda Augusta ee Jesiiradda Sishiliya oo uu maanta soo gaaray.

Hadalka Qoraalka ee ka soo baxay Ciiddanka Badda Talyaaniga ayaa lagu shaacinin dalalka ay ka soo kala jeedaan Tahriibayaasha la badbaadiyey.

Arbacadii la soo dhaafay, Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga waxay sheegeen inay soo badbaadiyeen 42 Tahroobayaal la socotay dooni ku sugnayd meel ka baxsan Xeebaha Degmadda Bujliya ee W/bari ee dalkweynaha Talyaaniga.

Dhinaca kale, Tiradda Tahriibayaasha sannadkan doonyaha ku gaaray Xeebha Talyaaniga waxaa la sheegay inay ka badan yihiin 30,000 oo qof.

©Radio Dalsan

 

 

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor