Wararka naga soo gaaraya Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay ku waramayaan in saakay halkaasi lagu dilay mas’uul ka tirsanaa Shirkad Ganacsi oo lagu Magacaabo Saabir.
Masuulkaan ayaa ahaa Xisaabiyaha Guud ee ee Shirkadda Ganacsiga ee Saabir,kaas oo Magaciisa lagu sheegay Axmed Cali Nuur Dalaqo,waxaana lagu dilay Suuqa Magalada Boosaaso.
Rag ku hubeysnaa bustoolado ayaa la sheegay in ay ku dileen Magalada Boosaaso,waxaa sidoo kale la dhaawacay laba nin oo kale oo la socotay.
Dad ku sugan Boosaaso ayaa Dalsan u sheegay in raggii dilkaas iyo dhaawacaasi ka dambeeyay ay goobta ka baxsadeen,isla markaana ciidamo ka tirsan Booliska Puntland ay howlgallo halkaasi ka wadaan.
Dilka iyo dhaawaca saakay kooxaha hubeysan ay Boosaaso ka geysteen ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli xalay Magalada Boosaaso lagu dhaawacay Garsoore ka tirsan Maxkamada Sare ee Maamulka Puntland.