Kooxo halis ah oo laga cabsi qabo in ay qasaan doorashada Mareykanka

Saraakiisha amniga Mareykanka ayaa ka digay suurtagalnimada khatar ka iman karta kooxo qaswadayaal xagjir ah oo ku sugan gudaha Mareykanka, illaa laga gaarayo xilliga doorashada madaxtinimada Mareykanka ee bisha November.

Saraakiisha ayaa ka digaya xasillooni darro siyaasadeed, bannaanbaxyada rabshadaha wata iyo marin-habaabinta iyo wararka been abuurka ah ee ay dalalka qaar ku hayaan shacabka Mareykanka si ay u saameeyaan doorashada.

Waaxda Amniga Gudaha iyo Hey’adda Danbi-baarista ee FBI ayaa sheegay in ay u badan tahay in ay kordhi doonto khatarta kooxo xagjir maxalli ah ka iman karta laga soo billaabo bisha soo socoto illaa laga gaarayo maalinta doorashada ee saddexda November.

Bannaabaxyo ka dhacay guud ahaan Mareykanka bili dhawaa oo looga soo horjeedday sinnnaan la’aanta dhanka isirka iyo habdhaqanka ciidanka booliska ee dadka madow, ayaa qaarkood noqday kuwo ay rabshado hareeyeen, laakin intooda badani ku dhamaaday si nabad ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media