Muwaadin Soomaaliyeed ayaa lagu dilay dalka Koonfur Afrika, waxaana lasoo sheegayaa in dilkaas ay ka danbeyeen kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah oo sida la sheegay markii ay dilka geysteen Goobta isaga baxsaday.
Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xamuud Aadan Dhiblaawe, waxaana uu ka mid ahaa Soomaalida ganacsiga ku leh dalka Koonfur Afrika.
Kooxda Burcadda ah ayaa marxuumka kusoo weeraray goobtiisa ganacsi, waxaana doonayen in ay dhacaan ganacsigiisa, iyagoo ugu danbeytii ay dhaawac daran garsiiyeen Muwaadinka Soomaaliyeed, waxaan uu u geeriyooday dhawaaca soo gaaary oo ahaa mid aad u Culus.
Goobta uu dilka dhacay falka kadib waxaa soo gaaray Cidamada Booliska Koonfur Afrika, howlgalo ay sameeyeen ma jirto cid ay falkaas dilka ah usoo qabteen.
Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku ganacsada dalka Koonfur Afrika ayaa inta badan waxaa ay la kulmaan dilal iyo dhac aan kala joogsi lahayn, iyadoo horay dalkaas loogu dilay dhallinyaro badan oo Soomaali ah kuwaas oo ganacsiyo waa weyn ku lahaa Koonfur Afrika, sidoo kale kooxaha Burcadda ah ee ku sugan dalkaas ayaa si joogta dhaca iyo dilka ugu gaysta ajaanibta ku ganacsata dalkooda.