Koox Macaawisley ah oo weerartay Saldhig ay lahaayeen Al-Shabaab

Kooxdaan macawuusleyda ah oo ku nool deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa la sheegay in xalay ay weerar ku qaadeen saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen gobolkaas.

Weerarka ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Guulane oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga degmada Aadan-Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,waxana halkaasi ka dhacay dagaal mudo saacado ah socday.

Mid ka mid ah kooxdan oo isku magacawday macawusleyda ayaa sheegay in iyagu ay weerarka qaadeen xalay saqdii dhexe,isla markaana ay dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in weerarkaas ay ku dileen laba Sarkaal oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Uruurinta Zakawaadka iyo Maaliyadda iyo Xubno kale,sidoo kalena ay bur buriyeen Saldhigii ay weerareen ee Al-Shabaab waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhowr bilood ka hor ayaa dagaal ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa lagu dlay hoggaamiyaha Kooxda la Magac baxday Macaawusleyda,hayeeshee waxaa gurmad u sameeyay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor