Ciidamada ammaanka oo ku raad jooga kooxo hubeysan oo gaari ku rasaaseysay….

Laamaha ammaanka gaar ahaan Ciidamada Booliiska ah ee Deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ayaa wada Baaritaano ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa Kooxo hubeysan oo Habeen hore Gaari ku rasaasadeeyey deegaankaasi.

Gaariga la rasaasadeeyay ayaa ku sii jeeday Magaalada Gaalkacyo,waxaana rasaasta ku dhintay hal qof,halka Tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada ammaanka deegaanka Godinlabe ayaa wada baaritaanka,iyagoo ku raad jooga kooxihii hubeysnaa ee falkaasi geystay.

Taliyaha Saldhiga Booliska deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud Maxamed Salaad Axmed ayaa sheegay in Ciidanka Booliska ay qaadeen tallaabo ay gacanta ugu soo dhigaan burcaddii gaariga dhibaatada u geysatay,wuxuuna hadalkiisa intaasi ku daray iney hayaan cadeymo muujinaya halka ay ku sugan yihiin kooxaha,taasi oo u sahli karta askarta iney si fudud gacanta ugu soo dhigaan si sharci loogu qaado.

Dhinaca kale, Ciidamada Ammaanka Galmudug ayaa waxay si joogta ah u sameeyaan Howlgalo lagu xaqiijinayo ammaanka Deegaanada Gobolka Galgaduud si looga hortago kooxaha burcadda ah ee jidka u gala dadweynaha isaga kala goosha Gobollada dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media