Wasiirka Arrimaha gudaha Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Abuurkar Cabdi ayaa xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiye ku-xigeenkii Arrimaha bulshada degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Wareegto uu soo saaray Wasiir Maxamed Abuukar ayaa waxaa uu ku magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka cusub ee Arrimaha bulshada degmada Wanlaweyn oo laga dhigay Maxamed Mukhtaar Axmed.
Sababta keentay Magacaabista Guddoomiye ku-xigeenka ayaa waxaa lagu sheegay inay baahi loo qabo dardar-gelinta howlaha ballaaran ee horyaalla degmada, sida lagu sheegtay wareegtada lasoo saaray.
Wasiirka Arrimaha gudaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Abuurkar Cabdi ayaa faray Maxamed Mukhtaar inuu u si toos ah u guto waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday, ayna la shaqeeyaan shacabka.
Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista.