Khilaafkii ka taagnaa kulankii hadal jeedinta Jawaari oo xal laga gaaray

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu balan sanaa in uu furmo kulanka Golaha Shacabka oo ajandihiisu uu ahaa hadal jeedinta Gudoomiyihii is casilay ee Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari balse uu u baaqday khilaafka dhashay kulankaaas.

Kulanka ayaa ahaa mid la isku khilaafsan yahay kadib markii xalay Xildhibaannada Golaha Shacabka look ala diray farriimo iska soo horjeeda basle ugu dambeyn haatan la sheegay in xal buuxa laga gaaray qabsoomida kulankaas.

Masuuliyiinta Madaxtooyada Soomaaliya dadaal ay sameeyeen ayaa la sheegay in xal looga gaaro murankii ka taagnaa kulanka hadal jeedinta Guddoomiyihii is casilay ee Golaha Shacabka,iyada oo kualnkaas uu dhici doono Khamiista Berito ah.

Warar ay Dalsan heshay ayaa waxa ay sheegayeen in kulankii Maanta qabsoomi lahaa uu muran ka keenay guddoomiye kuxiegenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabduweli Ibraahim Muudeey kaas oo sheegay in Go’aanka ugu dambeeya ee furitaanka kulanka Golaha Shacabka uu isaga leeyahay.

Arrimaha ugu weyn ee dhaliyey khilaafka,isla markaana uu dooda ka keenay muudeey ayaa aheyd shir guddoonka Kulanka,waxana Maalinta Berito ah Maxamed sheikh Cusmaan Jawaari uu soo gaba gabeyn doonaa mudo 5 Sano ah uu Baarlamaanka Soomaaliya Maamulayay laga  soo bilaabo Sanadkii 2012-kii,iyada oo laba jeer loo doortay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media