Dhageyso:-Maamulka Hir-Shabeelle”Weeraradii Al-Shabaab ee Wadada xiriirisa Jowhar iyo Balcad waan ka hor tagnay”

Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in gebi ahaan amniga Wadada xiriirisa Balcad iyo jowhar ay xaqiijiyeen halkaas oo weeraro jidgal ah ay ka fulin jireen Al-Shabaab.

Maalin ka hor ayaa waxaa tuulada Gololeey iyo deegaanka Haan-Sheekh,waxaa la geeyey Ciidamo isugu jira kuwa dowladda Soomaaliya iyo AMISOM kadib markii wadadaas ay ku sugatay in Masuuliyiinta Maamulka hir-Shabeelle ay ka go’aan.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan (Axmed Faal) ayaa sheegay in lagu gudbay dhibaatooyin Al-Shabaab ka geysan jireen Wadadaas,isla markaana Wadadaas ay tahay mid u furan cid walba.

Waxa uu sheegay in mar walba Al-Shabaab ay dhibaato u geysan jireen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOm xilliyad ay wadadaas ku socdaalayaan,waxa uuna ugu baaqay Shacabka Gobolka Shabeellaha Dhexe ku nool in ciidamada ay kala Shaqeeyaan sugida AMniga.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaah dhexe.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media