Khilaafka u dhexeeya Mucaaradka iyo Xisbiga Talada haya ee Somaliland oo meel Xun gaaray

Khilaafka U Dhexeeya Xisbiyada Mucaaradka Somaliland iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa mar kale cirka isku sii shareeray kadib markii maanta hadalo kul-kulul ay labada dhinac warbaahinta isku mariyeen.

Xisbiga Waddani oo ah Xisbiga ugu saaameynta badan dhanka Mucaaradka ayaa soo saaray war ku aaddan Xaaladda guud iyo arrimaha taagan ee laabda dhinac isku hayaan.

Shir Jaraa’id oo ay qabteen Masuuliyiin ka socday Xisbiga Wadani ayaa waxaa ay sheegen in haatan xaaald aad u liidata ay marayso Somaliland, waxaana wax walba oo halkaasi ka dhaca ay sheegeen inuu masuulka yahay Madaxweynaha Somaliland Muuse Cabdi oo ay ku tilmaameen in si sharci darro ah uu kursiga ugu fadhiyo.

Masuulka u hadlay Xisbiga Mucaaradka ah ee waddani ayaa carrabka ku dhuftay in Ciidamada Booliska ay ku kaceen falal ka baxdan bani’aadanimada, sidoo kalena Xabsiyada la dhigay dhalinyaro taageersanaa dhanka Mucaaradka, kuwaasi oo ay ku jiraan haween.

Dahnka kale Xisbiga talada haya ayaa u jawaabay Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, waxaana Wasiir u hadlay dhanka Muuse Biixi uu sheegay in si sharci ah uu kursiga ugu fadhiyo, maaddama sida uu sheegay loo sameeyay muddo kordhin.

“Waxaa ay u xalaal tahay muddo kordhintaasi sidii ay xalaal u ahayd, tii Cigaal, Riyaale, Siilaanyo, wax beddelayaana ma jiro, waxana ay ku dhammaanaysaa November 2024” ayuu yiri Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Siciid Sulub.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor