Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay kulan Sanadeedka Guddiga Qaran ee Diiwaangelinta Madaniga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeybgalay kulan Sanadeedka Guddiga Qaran ee Hagida Diiwaangelinta Madaniga ah iyo Istaatistikada Dhacdooyinka Muhiimka ah, kaasi oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Kulankaan oo ahaa mid lagu soo bandhigaayay Qorshaha iyo Hindise Sharciyeedyo Muhiim u ah Diiwaangelinta Madaniga ah iyo Istaastistikada ayaa waxaa kasoo qeybgaleen Wasiiradda Cadaalada, Diinta & Awqaafta, Hidaha iyo Tacliinta Sare, Caafimaadka, Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha, Wasiiradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada dalka iyo Hey’addaha Hoostaga QM ee taageera Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Qorshaha Qaran ee Diiwaangelinta Madaniga uu muhiim u yahay guud ahaan dalka gaar ahaan Caasimada, iyadoo wax weyn ka tareysa helida xogta Bulshada ku nool Magaalada Muqdisho iyo helida tirakoobka saxda ah ee Bulsho iyo Sugida Amniga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor