Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaan ka tirsan Gobolkaas uu ka dhacay weerar khasaaro geystay lagu qaaday gaari ay saarnaayeen dad shacab ah.
Rag hubeysan ayaa la sheegay in weerarkaas ay ku qaadeen Gaari nooca dadweynaha raacaan ee loo yaqaano Hoomeyda, xili uu marayay deegaanka Garsaaley oo ku yaalla inta u dhexeeysa Magaalada Jowhar iyo Balcad.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarkaas, waxaana ku geeriyooday laba qof, halka dhowr tirro kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo dhammaantood la socday gaariga.
Dad ka baxay deegaan ku dhow Balcad ayaa gurmad u sameeyay dadkii waxyeelada kasoo gaartay weerarkaas, isla markaana kuwa dhaawacmay waxaa loo qaaday Xarumo Caafimaad, waxaana gaarigaas uu ka baxay Muqdisho, kuna sii jeeday deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe.
Ragii hubeysnaa ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, waxaana deegaanka uu falku ka dhacay tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka, welina lama oga sababta loo weerarka gaariga ay la socdeen dadkii shacabka ahaa.