Xildhibaano ka tirsan Galmudug oo kasoo horjeestay Go’aankii Guddoomiye Gacal

Inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Galmudug kasoo horjeeystay Go’aankii Guddoomiye Maxamed Nuur Gacal uu Xildhibaan C/llaahi Axmed Calasow kaga joojiyay fadhiyada Golaha iyo Gunnada.

Qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa waxaa ay sheegeen in tallaabada uu qaaday Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Gacal ay tahay mid sharci darro ah, isla markaana ay kasoo horjeedan arrintaas.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, iyagoona kala hadlay arrimaha ka taagan Baarlamaanka iyo Go’aankii fadhiyada Golaha iyo Gunnada looga joojiyay Xildhibaan Cabdullaahi Calasow.

Warar la helayo ayaa sheegaya qaar kamid ah Xilhibaanada Galmudug ay Madaxweyne Qoorqoor ka dalbadeen inuu soo fara-geliyo Arrimaha Baarlamaanka, isla markaana uu wax ka qabto Khilaafyo ka dhex jira Guddoomiye Gacal iyo Xildhibaanada.

Guddoomiye Gacal ayaa Xildhibaan C/llaahi Axmed Calasow ka joojiyay fadhiyada iyo Gunnada, isagoo lagu eedeeyay falal lid ku ah habsami u socodka fadhiyada Baarlamaanka iyo uusan kasoo qeyb galin kulamada Golaha.

Si kastaba maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay waarar sheegaya in Khilaaf xoogan uu soo kala dhex-galay Xildhibaano ka tirsan Galmudug iyo  Guddoomiye Maxamed Nuur Gacal, lana waday Mooshin laga looga qaadayo Guddoomiyaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media