Waxaa weli isasoo taraya khasaaraha ka dhashay qarixii shalay gelinkii dambe ka dhacay Maqaaxi kas oo horjeeda Hotelka Wehliye oo ku yaalla Wadada Maka Almukarama ee Gudaha Magaalada Muqdisho.
Qaraxaan ayaa loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,waxana Wasaaradda Amniga ay sheegtay in qaraxaas ay ku geeriyoodeen 14 ruux halka ay ku dhaaacmeen 6 kale balse warar soo baxay ayaa waxa ay sheegayaan in uu kordhay khasaaraha uu geystay qaraxaas.
Warar ay heshay Dalsan ayaa waxa ay sheegaayan in qaar ka mid ah dadkii dhaawac ahaan loogu qaaday Isbitaalada qaarkood ay geeriyooden,iyada oo dadkii ku dhintay ay ku dhaw yihiin 20 halka dhaawaca uu gaaray ilaa 10 ruux.
Xarumaha Caafimaadka Muqdisho ayaa weli waxaa lagu daweynayaa dadkii ku dhaawacmay qaraxaas,iyada oo warar soo baxay ay sheegayaan in qaraxaas loo adeegsaday mooto bajaaj laakin markii hore loo maleynayay in uu ahaa Gaari.
Ra’iisul Wasaare Xaan Cali kheyre ayaa laamaha amniga Soomaaliya ku amray in ay warbixin deg deg ah ka keenaan qaabkii uu xarumaha barista Ciidamada ku soo dhaafay gaariga qarxay ee dadka Shacabka ah waxyeelada u geystay.