Taliska Qaybta Booliska Gobalka Mudug waxaa maanta lagu Burburiyay khamri farabadan oo lagu soo qab qabtay howlgalka la dagaalanka maandooriyaha khamariga oo ka socda Magaalada Gaalkacyo .
Goobaha lagu Burburiyay khamrig oo kala ah Taliska Qaybta iyo Saldhiga dhaxe ayaa waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Gobalka mudug Cabdiladiif Muuse Nuur Duqa Degmada Gaalkacyo Saahid maxamuud Cali Gudoomiyaha Maxkmada darajada koowaad ee gobalka mudug Gudoomiyaha Maxkmada madaniga ah xeer ilaaliyaha gobalka qaybo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Amaanka iyo Wasiir Dowlaha Wasaarada Cadaalada Dowlad Goboleedka Puntland.
Cidamada Booliska Puntalnd ayaa maal-mahaan waxaa ay wadeen howlgallo kala duwan, waxana intabadan howlgaladooda ay la xariiraan xaqiijinta ammaanka iyo sidii degaanada maamulkaas looga sifeyn-lahaa Maandooriyaha lasoo galiyo Puntalnd.