Xildhibaano kasoo jeeda Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa Maanta xabsiga la dhigay, kadib markii Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ay ku yimideen Safar qarsoodi ahaa.
Xildhibaanadan oo gaaraya ilaa iyo 8 Mudane ayaa waxaa laga qabtay Garoonka diyaaradaha Wilson ee Magaalada Nairobi xili ay kasoo degeen diyaarad, waxaana gacanta ku dhigay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Kenya gaar ahaan kuwa dembiyada Culus.
Warbaahinta dalka Kenya ayaa qortay in 8-da Xildhibaan ee kasoo jeeda Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ay Booliska weydiinayaan suโaallo dhowr ah oo la xiriira safarkii ay ku tageen tageen Magaalada Muqdisho iyo arrimo kale.
Wararka ayaa intaas kusii darya in Xildhibaanada ay Muqdisho yimideen Maalintii shalay aheyd, iyagoona la sheegay inay kulan la qaateen Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale Xildhibaanada ayaa waxaa lagu heystaan sababta ay Safarkooda ugu wargelin waayeen Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Kenya iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaas.