Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaalladda Nairobi ayaa u xaqiijiyey Radio Dalsan inay Hay’addaha Ammaanka Kenya saakayto soo masaafuriyeen Cabdi Nuure Siyaad “Cabdi Waal”, kaasi oo ay Dowladda Federalka horey u baadi-goobaysay.
Ilo-wareedka ayaa inoo sheegay in Cabdi Waal la soo qabtay maalmo ka hor, isagoo ku sugnaa Baar laga cabo Kafayga, isla markaana isagoo jeebadaysan saakayto la soo saaray Diyaarad ku soo jeeday magaalladda Muqdisho.
Cabdi Waal waxay Dowladda Federalka u raadinaysay lugtii uu ku lahaa Iska-horimaad ay Ilaaladiisa la galeen Ciiddan ka tirsan NISA bilowgii bishii August ee sannadkii 2014-kii.
Cabdi Waal waxa uu bishii August 22-dii ee sannadkii 2014-kii si qarsoodi ah kaga dhoofay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, wuxuuna sii raacay Diyaarad ku sii jeeday magaallo-madaxda Gobalka Galgaduud ee Dhuusa-mareeb.
Waxa uu Wareysi ku sheegay inay Mas’uuliyiin gacan ku siiyeen inuu dharaar cad ka soo ambabaxo Garoonka Muqdisho, maalmo yar kadib, markii uu ka baxsaday Iska horimaadkii Ilaaladiisa iyo Ciiddan ka tirsan NISA ku dhex maray Xaafadda Buulo-xuubeey ee Degmadda Wadajir.
Cabid Nuure Siyaad waxa uu ku biiray Maamulka Ahlu-sunnadda Goballadda Dhexe oo uu haatan ka yahay Taliyaha Maleeshiyadda Ahlu Sunna.
Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Federalka ilaa haatan kama hadlin Tallaabadda ay Dowladda Kenya ugu soo gacan-geliyeen Siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad “Cabdi Waal oo ka mid ahaan jirey Hoggaamiye-kooxeedyadii Hubeysnaa ee bishii Feberaayo 19-dii ee sannadkii 2006-dii Muqdisho kaga dhawaaqay Isbahaysiga Argagixiso-la-dirirka oo ugu dambeyntii ku burburay Dagaal ay la galeen Golihii Maxkamaddaha Islaamka Soomaaliyeed (GMIS).
©Radio Dalsan