Dowladda Kenya ayaa sheegtay in wafdigii ka socday dalkeeda ee dhawaan tegay Magaalada Kismayo, kana qeybgalay Caleemasarka Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ay oggolaansho ka heysteen dowladda Soomaaliya.
Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, Macharia Kamau, oo la hadlay BBC-da ayaa ka hadlay khilaafka dibolmaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.
Macharia ayaa sheegay in haatan xiriirka labada dal uu wanaagsan yahay, inkastoo ay jeclaan lahaayeen in arrinta badda lagu xaliyo meel ka baxsan Maxkamadda Cadaaladda adduunka ee ICJ.
Qaar ka mid ah siyaasiinta Soomaalida ayaa dowladda Kenya ku eedeeyay in ay faragelisay doorashadii dhawaan ka dhacday Jubaland oo ay la safatay hal dhinac.
Siyaasiintan ayaa xiligaas sheegay in Kenya ay ku xadgudubtay hawada Soomaaliya, maadama diyaarad ka timid Kenya ay toos uga degtay Kismaayo, taas oo loo arkayay in ay baalmartay amarkii dowladda federaalka ee ahaa in dhammaan diyaaradaha tegaya Kismaayo ay soo maraan Muqdisho.
Sidoo kale diyaarad ay la socdeen wafdi ka socday Kenya ayaa ka degtay magaalada Kismayo, si ay uga qeybgalaan caleemasaarka Madaxweynaha Jubaland, waxaana arrintaas aan wax ka weydiinayay Macharia Kamau.
Si kastaba Wafdi ka socda dowladda Kenya uuna hogaaminayay Guddoomiyaha Aqlabiya Baarlamaanaka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa Kismaayo uga qeyb galay Xafladii Caleemo-saarka Axmed Madoobe, iyadoona dowladda Somali sheegtay in aysan aqoonsaneyn Doorashadii uu kusoo baxay Axmed Madoobe.