Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi waxay sheegeen inay duqeyn ku dileen Ahmed Iman Ali oo ah Kenyan la sheegay inuu Alshabaab ugu qaabilsan yahay Hawlgalladda ka dhaca dalkaasi.
Sida laga soo xigtay ilo Sirdoonka Kenya waxay jimcihii sheegteen inay Sarkaalkaasi ku dileen Duqeyn Diyaaradeed oo lala beegsaday Dhismo ku yaalla Degmadda Bu’aale ee Gobalka J/dhexe.
Waaxda Isgaarsiinta Ciiddanka Kenya oo lala xiriiray shalay waxay xaqiijin waayeen wararka ku aadan dilka Sarkaalkaasi, halka afhayeenka Ciiddanka Kenya, Kolonel Paul Najugna oo isagana lala xiriiray sheegay inuu shirk u jiro maanta oo dhan.
Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Kenya, Bogita Ongeri waxa u uisaga xaqiijin waayey in Sarkaalkaasi lagu dilay weerar ay qaadeen Kenya ama ciiddamo kale.
Sheegashadda Kenya ee ah inay dileen Sarkaalkaasi ma aha markii ugu horreysay, waxayna horey u sheegeen in Sarkaalkaasi lagu dilay duqeyn ay Mraaykanka qaadeen bishii Maarso ee sannadkii hore.
Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya hadalka ay Kenya ku sheegtay in la dilay Madaxa Alshabaab ugu qaabilsan Hawlgalladda ka dhaca Alshabaab, Ahmed Iman Ali.
Xigasho: Daily Nation, Kenya