Kenya oo Maanta dib u fureysa duullimaadyadii Caalamiga ahaa

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay Maanta oo Sabti ah dib u fureyso duullimaadyadii Caalamig ahaa ee ku xirmay xayiraadaha cudurka Corono Virus.

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo kaabayaasha waddooyinka Kenya, James Macharia ayaa sheegay in la oggol yahay oo keliya duullimaadyada ka imaanaya Dalalka, Shiinaha, Kuuriyada Koonfureed, Japan, Canada, Zimbabwe, Itoobiya, Switzerland, Ingiriska, Qatar, France, Netherland, Rwanda, Uganda, Namibia, Morocco, Imaaraatka iyo Gobollada California, Florida iyo Texas oo ka mid ah Dalka Maraykanka.

Mr. Macharia ayaa sheegay Dadka rakaabka ah in lala socon doono xaaladdooda muddo laba Todobaad ah, iyagoo aan la karantiili doonin haddii heerkulkoodu ka hooseeyo 37.5 Digrii Celsius iyo haddii aysan lahayn astaamaha Covid-19ka.

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo kaabayaasha waddooyinka Kenya, James Macharia ayaa shirkadaha Diyaaradaha faray in ay Dadka siiyaan qalabka looga hortago cudurka, si aysan rakaabka Diyaaradda saran isu qaadsiin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media