Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo uu hoggaaminayo ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoo lagu soo dhaweeyay.

Wafdiga Madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho kusoo dhaweeyay, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlmaanka, Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Mas’uuliyiin kale.

Ujeedka uu Madaxweynaha Koonfur Galbeed u soo gaaray Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay kulamo kala duwan uu la qaadan doono Madaxda dowladda Federaalka iyo Arrimo kale oo siyaasadeed.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen uu safarkiisa la xiriiro la tashiyo ku aadan wejiga saddexaad ee Shirka Magaalada Dhuusamareeb uga furmaya Madaxda dowladda iyo Maamul Goboleedyada.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, iyagoo kulamo kala duwan la qaatay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media