Maamulka Caafimaadka ee Gobalka Kericho waxay bixiyeen Digniinta casaanka, kadib, markii la helay haweeney looga shakisan yahay Cuddurka dilaaga ee Ebola, taasi oo la dhigay Isitaalka Kericho.
Saraakiisha waxay maanta sheegeen inay Haweeneydaasi laga helay calaamado looga shakiyey qandhada lagu magacaabo The hemorrhagic fever ee waxyeelladda u geysta xididada yaryar ee dhiigga, waxaana cuddurkaasi laga qaadaa marka la taabo qof ama xayawaan .
Warbaahinta dalka Kenya waxay sheegeen in Haweeneyda laga helay xanuunkaasi ka timid safar ay ku tagtay Degaanka Malaba ee Degmadda Busia oo ku taalla xuduudka Kenya la wadaagto Uganda, si ay u soo aragto ninkeeda.
Muunada dhiig ah oo laga qaaday Haweneyda Bukaanka ayaa loo diray Machadka Cilmi-baarista daaweynta ee Kenya (KEMRI) oo ku yaalla magaalladda Nairobi, si loogu sameeyo baaritaano kale oo dheeraad ah.
Natiijada hordhaca ee baaritaankaasi ayaa la sheegay inay diyaar noqon doonto 12-ka saacadood ilaa 24-ka saacadood ee soo socota.
Haweeneyda Bukaanka ayaa la sheegay in la mamnuucay in la booqdo, waxaana lagu hayaa qol khaas ah, iyadoo dadka looga digay inay ka ag dhawaadaan.
Toddobadayadii la soo dhaafay, Saraakiisha Caafimaadka ee ku sugan Degmooyinka Busia iyo Malaba waxay ku jireen Feejignaan dheeri ah, kadib, markii uu cuddurkaasi ka dillaacay dalka Uganda ee ay Kenya deriska yihiin.
Kooxda Caafimaadka Kenya waxay baaritaano ku sameeyaan dhamaan dadka socotadda ee ay ku jiraan Dareewaladda ka yimaada Uganda, kuwaasi oo lagu sameeyo baaritaanka Iskariinka ee Cuddurka Ebolaha.
Dalka Kenya hadda ka hor kama jirin Cuddurka Ebola, inkastoo dalalka Uganda iyo Koongada Dimuqraadiga horey looga helay Bukaano uu ku dhacay Ebolaha.
Astaamaha Cuddurka Ebola waxaa ka mid ah waxa uu leeyahay matag, fuuq-bax, kelyo xanuun, beer xanuun, dhiig gudaha iyo bannaanka uga soo baxa dhamaan duleeladda qofka.
Sannadihii 2014-kii ilaa 2016-kii, waxa uu cuddurkaasi si xawli ah ugu faafay dalalka Liberia, Sierra Leona iyo Gini, waxaana u geeriyootay in ka badan 11,000 oo qof.
Si kastaba ha ahaatee, dal kasta waxay ku qaadan kartaa ilaa 42 maalmodo, si loo caddeeyo inuusan dalkaasi ka jirin Fayris gudbiyaha Cuddurka Ebolaha, iyadoo Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO laba jibaartay 21-ka maalmood si loo hubiyo inaysan dhicin infeshinada cusub ee Cusub.