Xildhibaan ka tirsan Somaliland oo Maanta xabsiga laga sii daayay

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee Caasimadda maamulka Somaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta xabsi ku yaalla halkaasi laga sii daayay Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Maamulka Somaliland.

Ciidamada amniga Somaliland ayaa xabsiga ka sii daayay Xildhibaan Axmed Maxamed Dhakool,kaasi oo mudooyinkii dambe ku xirna Xabsi ku yaalla Magaalada Hargeysa.

Xariga loo geystay Xildhibaan Dhakool ayaa yimid,kadib markii lagu eedeeyay in maalinta 18-ka May uu ku sheegay inay tahay maalin u gaara reer kamid ah Beelaha dagan Somaliland.

ku dhawaad 2 Bilood ayuu ku xirnaa Xabsi ku yaalla Magaalada Hargeysa Xildhibaan Axmed Maxamed Dhakool oo ka ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland,hayeeshee Maanta ayaa laga sii daayay.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media