Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah dalka Kenya, Monica Juma ayaa sheegtay inay Dano Ganacsi oo shisheeye sii hurinayaan Muranka Xuduud-baddeedka, isla markaana uu jebi doono Iskaashiga Ammaanka, waa sida ay hadalka u dhigtay.
Monica Juma waxay hadalkaasi ka sheegtay Machadka Difaca iyo Daraasaadka Ammaanka ee Royal United Services Institute (RUSI) ee magaalladda London, waxayna carrabka ku eedeysay inay jiraan Hay’addo Shisheeye oo Gnaacsi oo hurinaya Xiisadda Kenya iyo Somalia, inkastoo ay ka gaabsatay inay magacowdo Hay’addaha ay eedeynayso.
Waxay sii raacisay inay rumeysan yihiin in Dibadbaxa aadka loo hubo tahay Danaha Ganacsiga ee waxyeeleyn doonta xaalladda dalka tabarta yar , waa sida ay hadalka u dhigtay.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah dalka Kenya, Monica Juma waxay kaloo ku goodisay inay qaadi doonaan tallaabo kasta ee lama huraanka u ah dhaartii Dastuurkooda iyo inuu waajibka ka saaran inay difaacdaan Xuduudaha dhuleed iyo Madax-bannanida Kenya, isla markaana aysan dhiibi doonin taako ka mid ah xuduudkooda.
Hadalka ay Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya ka jeedisay Machadka Royal United Services Institute (RUSI) ee magaalladda London waxay ka dhawaajisay inay Kenya soo jeedisay codsi ku aadan in hab siyaasadeed lagu xaliyo Muranka, inta laga door-bidi lahaa in Maxkamadda ICJ lagu kala baxo.
Waxay kaloo tilmaamay in Khilaafka Muranka Badda uu horseedi karo inay dowladaha Gobalka joojiyaan in diirada la saaro La-dagaalanka Alshabaab iyo Burcadda Badda, waa sida ay hadalka u dhigtay.
Toddobaadkii la soo dhaafay, Kenya waxaa loo doortay Guddoomiyaha Kooxda Isla-xiriirka ee Burcadda ka qowleysata Xeebaha ka baxsan Somalia, waxayna magacaabistaasi ku soo beegantay iyadoo ay Kenya sheeganayso qeyb ka mid ah xuduud-baddeedka Somalia ee Badweynta Hindiya.
Si kastaba ha ahaatee, Somalia waxay Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka ee ICJ u gudbisay dacwad ka dhan ah sheegashadda Kenya ee Baddeenna, waxaana la filayaa in Wareegii ugu dambeeyey ee dhegeysiga Garnaqsiga dacwadaasi ka bilaaban doonto Xarunta Maxkamadda ICJ ee magaalladda The Hague ee dalka Holland bisha September 9-da ilaa 13-da ee sannadkan.