Dowladda Kenya ayaa la sheegay inay khatar ku jirto Danaheeda, kadib, Dagaalka Kheyraadka iyo Muranka xuduud-baddeedka ee kala dhexeeyo Somalia.
Wargeyska “The Star” ee ka soo baxa Nairobi ayaa sheegay in Dowladda Kenya cadaadiska ugu xun kala kulmayso Barlamaanka Somalia oo iyagu u ololeynaya in Ciiddanka Kenya ka wada baxaan gudaha Somalia.
Wargeyska waxa uu qoray inay dhowr Warbaahin qoreen inay Dowladda Somalia wada-xaajood kula jirto Dowladaha Qatra, Turkiga, Ethiopia iyo Eritrea sidii Ciiddankooda ka jooga gudaha Somalia taageero uga geysan lahaa Dhaqdhaqaaqa lagu doonayo in Ciiddanka Kenya lagala wareego hawlaha ay u joogaan Jubbaland.
Ciiddanka Kenya waxay gudaha Somalia soo galeen bishii October 16-dii ee sannadkii 2011-kii, ka hor inta aysan qeyb ka noqonin Hawlgalka AMISOM bishii March ee sannadkii 2012-kii.
Wargeyska The Star waxa uu qoray in Maamulka Madaxweyne Farmaajo doonayaan inay hoos u dhigaan Joogitaanka AMISOM ee gudaha Somalia, waa sida uu Wargeysku qoray.
AMISOM waxaa lagu asaasay Golaha Nabadda iyo Ammanka ee Midowga Afrika bishii Janaayo 19-dii ee sannadkii 2007-dii, waxaana Xilli-hawleedkooda la kordhiyey waqtiyo badan.
Warbixinta Wargeyska The Star waxaa lagu sheegya inay jiraan warar muujinaya inuu Madaxweyne Framaajo doonayo inay Ciiddanka Ethiopia iyo Eritrea soo galaan gudaha Somalia, iyadoo loo marayo Heshiiskooda ka baxsan Shaqo-hawleedka AMISOM, waa sida uu Wargeysku qoray.
Dowladda Kenya waxay walaac kale ka qaaday Tallaabadii ay Xildhibaanadda BFS ugu codeeyeen Sharciga Batroolka ee sannadkii 2008-dii, kaasi oo ay Golaha BFS ku go’aaminayaan Nidaamka Saami-qeybsiga Dakhliga ee DFS iyo 6-da Maamul-gobaeedyada hoos taga Federalka Somalia.
Warbixinta Wargeyska The Star waxa lagu muujiyey inay ilo-wareedyo Milliteri rumeysan yihiin inay Somalai beegsanayso 15-ka Xirmooyinka Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga ee lagu murunsan yahay, xitaa iyadoo kiiska Muranka Xuduud-badddeedka weli tagaan yahay.
Dhinaca kale, Wargeyska The Star waxa uu oqray inay ilo-wareedyo u sheegeen inay Ethiopia horumarinayso Ciiddankeeda Badda oo hawlgab ahaa tan iyo markii ay Eritrea ka go’ay Ethiopia.
Wargeysku waxa uu tilmaamayaa in laga yaabo inay Ethiopia indhaha ku hayaan Dekedda magaalladda Kismaayo oo ay si fudud wax ugala soo degi karaan, waa sida hadalka loo dhigay.
The Star wxaa uu qoray inay Saraakiisha Ammaanka rumeysan yihiin in dareenka Ciiddanka Ethiopia iyo kuwa Eriteria lagu keenayo Somalia la doonayo in lagu takooro Kenya iyo in lagula wareego Kaalintii Kenya.
Saraakiisha Dowladda Kenya ayaa rumeysan inay Somalia doonayso inay labadaasi dowladood u adeegsadaan inay samaayn ku yeeshaan Doorashadda Jubbaland, waa sida uu Wargeyska the Star qoray maanta.