Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi waxa maanta lagu soo daabacay Maqaal Aragtiyeed uu qoray Professor Peter Kagwanja oo ahaa La-taliyihii hore ee Dowladda Kenya, haatan ka tirsan Machadka Siyaasadda Afrika ee Kenya, kaasi oo uu kaga hadlay Muranka xuduud-baddeedka iyo Khilaafka Diplomaasiyadeed ee u dhexeeya Somalia iyo Kenya.
Qoraaga waxa uu hordhaca Maqaalkiisa kaga hadlay in Muranka xuduud-baddeedka tahay cabsida ugu cusub ee khatarta Deganaanshaha iyo dib-u-soo-kabashadda Somalia iyo Nabadda Geeska Afrika.
Xiisadda ayaana sare u kaci doonta, iyadoo foodda nagu soo hayso Xukunka murankaasi oo la filayo inuu jadwalka Maxkamadda Garsoorka Caalamka ee ICJ qabsoonto bisha September ee sannadkan 2019-ka.
Dowladda Kenya waxay ku eedeynaysaa Villa Somalia sii-socoshadda muranka xuduud-baddeedka, iyadoo la og yahay inay Kenya bishan May 21-dii xanibaadii 3 Saraakiil sarsare oo ka tirsan Dowladda Somalia, kuwaasi oo lagu celiyey Garoonka Joomo Kenyatta ee Nairobi, loona diiday inay ka qeyb galaan Kulankii ay EU-da maalgelisay ee looga hadlay Barnaamijka Maraaynta Colaadaha ka soo gudba xuduudka dalalka Somalia, Kenya iyo Ethiopia.
Xiisadda Diplomaasiyadeed ee labada Waddan ayaan la filayaa inay cirka isku shareerto bilaha soo socoda.
La-taliyihii hore ee Dowladda Kenya, Professor Peter Kagwanja waxa uu tilmaamay inay Dowladda Kenya qorsheynayso inay ka baxaan Xuquuqihii Khaaska ee la siiyey Saraakiisha sarsare ee Somalia, cadaadis adag oo lagu soo rogayo Duullimaadyada Diyaraadaha Somalia iyo inay Dowladda Kenya xiriir dhow la yeelato Maamul-gobaleedyadda xubnaha ka ah DFS iyo in si xeelladaysan Ciiddanka Kenya looga soo daad-gureeyo Deegaanadda ay ka joogaan gudaha Somalia.
Qoraagga waxa uu sii raaciyey haddii ay Maxkamadda ICJ bisha September dubaha ku dhufato in Somalia loo xukmiyo xuduud-baddeedka, waxay Kenya lumin doontaa in ka badan 100,000 oo KM oo ka tirsan Xuduudkeeda haatan ee u eg qaabka saddex geesoodka ee ku yaalla Badweynta Hindiya.
Waxa uu sii raaciyey in Muranka labada dal inuu noqdo Aaggii ugu cusbaa ee Wax-soo-saarka shidaalka ee Qarnigan 21-aad.
La-taliyihii hore ee Dowladda Kenya, Professor Peter Kagwanja waxa uu Maqaalkiisa kaga hadlay inay Somalia Maxkamadda ICJ dacwadda u gidbisay bishii August ee sannadkii 2014-kii , xilligaas oo uu tilmaamay inay Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Ku-xigeenkiisa, William Ruto wajahayeen dacwad uga furnayd Maxkamadda Dembiyadda Caalamiga ee ICC ee magaalladda The Hague ee dalka Holland.
Qoraaga wxaa uu Warbixintiisa oo aad u dheereyd ku soo hadal-qaaday in Somalia iyo Kenya sii wadi doonaan inay si wadajir ugu noolaadaan deris ahaan inta ay mileeniska ka imaanayaan.
Waxa kaloo soo hadal qaatay Hadal murti leh oo uu Ra’isul-wasaarihii hore ee dalka Hindiya, Atal Bihaari Fajjbayeekaga hadlay xiriirka xun ee u dhexeeya dalalka deriska ee Pakistan iyo Hindiya ee uu ku yiri: “Waad awoodaa inaan saaxiibada iska bedesho, laakiin maya Deriskaaga”.
Dhinaca kale, Maqaal Aragtiyeed uu qoray Professor Peter Kagwanja oo ahaa La-taliyihii hore ee Dowladda Kenya, haatan ka tirsan Machadka Siyaasadda Afrika ee Kenya waxa uu soo hadal qaaday inay Khubarada ku sugan gudaha Kenya meesha ka saareen suurto-galnimadda inuu Guddoomiye-xigeenka Maxkamadda ICJ, Garsoore C/qawi Axmed Yuusuf oo ah Muwaadin Soomaali ah uusan guddoomin doonin Kiiska dacwadda ee Somalia iyo Kenya, balse , Aragtidiisa waa xaqiiqo, waa sida uu hadalka u dhigay La-taliyihii hore ee Dowladda Kenya.