Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ayaa hada waxa ay weli ku jiraan fasaxoodii caadiga ahaa balse haatan uu marayaa meel gaba gabo ah maadaama Sideeda bishaan la filayo in uu furmo kulankooda.
Kala-Fahdiga kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Sanadkaan ah mid xiiso badan,waxana Muqdisho ku soo qul qulaya Xildhibaanada dalka dibaddiisa ku maqan si ay kulankaas uga qeyb galaan.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa la xusuustaa inuu Xildhibaanada fasaxa ku maqan inuu u yeeri jiray, marka uu soo dhowaado Kalfadhiga Baarlamaanka, si ay dhaqse u soo xaroodaan, hase ahaatee Waxaa moodaa in Xildhibaanadii oo aan loo yeerin inay iskood dalka ugu soo laabanayaan, ka hor inta aan la gaarin furitaankii kalfadhiga.
Xildhibaanada ayaa qaarkood waxa ay wadaan Mooshin ka dhan ah Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre,walow ay jiraan Xildhibaano kale oo iyana mooshinkaas ka soo horjeeda.
Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in ay marqura isbedesho Siyaasada Soomaaliya oo hada ah mid degan,islamarkaana laga dhex dareemo Xarunta Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya.