Sahan Cod-ururin ah oo ay Hay’adda IPSOS la dhex martay Muwaadiniinta Kenya ayaa waxay Kala-bar (69%) taageereen in Qaxootiga Soomaalida dib loogu celiyo dalkooda hooyo .
Warbixintan ayaa la sii daayey hal maalin kadib, marki iay Dowladda Kenya sheegtay in dib loo dhigay qorshihii lagu xiri lahaa Xeradda Dhadhaab iyo hawlgalka Dib-u-celinta Qaxootiga Soomaalida.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya, Joseph Nkaissery ayaa sheegay in 6 bilood lagu kordhiyey qorshihii lagu xiri lahaa Xeradda Dhadhaab, kadib, markii ay Hay’addaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ku taliyeen arrintaasi.
Dhinaca kale, Sahan-ururinta ay Hay’adda IPSOS qaaday waxaa kaloo lagu ogaaday inay dadka Kenyanka walaac xooggan ka qabaan Xaalladda Ammaanka ee dalkooda, waxayna badankooda dareensan yihiin in Joogitaanka Ciiddanka Kenya ee gudaha Somalia waxyeello ku keentay Xaalladda Ammaanka ee dalkooda.
38% dadka Kenyanka waxay ku baaqeen in Ciiddanka Kenya laga soo saaro Somalia si ay ilaalo uga qabtaan Xuduudka, halka 29% doonayaan inay Ciiddanka Kenya sii joogaan gudaha Somalia.
Tan iyo markii ay Ciiddanka Kenya gudaha u soo galeen Somalia bishii October 16-dii ee sannadkii 2011-kii, waxay Dagaalamayaasha Alshabaab kordhiyeen Hawlgalladda ka dhanka ah Askartaasi, waxay kaloo Alshabaab weeraro qorsheysan ka fuliyaan gudaha dalka Kenya.
©Radio Dalsan