Gelinkii dambe ee shalay. Waxay Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland is-hortaageen Boqolaal Qaxooti u badan Haween iyo Carruur oo ku sugan dhinaca xuduudka Kenya kala wadaagto Somalia.
Qaxootigaas ayaa qeyb ka ah Soomaalida iskooda u go’aansatay inay isaga baxaan Xeradda Dhadhaab, kuna soo laabtaan dalkooda Hooyo.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jubbaland, Maxamed wARSAME Darwiish ayaa ku eedeeyey Dowladda Kenya iyo Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) inaysan wax Qorshe Dib-u-dejin ah u samaynin Qaxootiga dib ugu soo laabanayo Goballadda Jubbooyinka ee Somalia.
“Qaxootiga waxaa la isaga soo daadiyey dhul furan, ma awoodno inaan ku sii hayno Xaalladaasi” ayuu yiri Wasiir Darwiish oo intaasi ku daray inay magaalladda Kismaayo la ciirciirayso Qaxooti badan oo ka soo laabtay Xeradda Dhadhaab Kenya.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Jubbaland waxa uu sheegay inuu Maamulkiisa ka walaacsan yahay Dhallinyarada Qaxootiga ere Barakacayaasha ku ah Jubbooyinka, oo uu tilmaamay inay abuuri karaan khatar xooggan oo dhinaca Ammaanka.
©Radio Dalsan