Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ka hadashay Dilkii maalmo kahor Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ay rag hubeysan ugu geysteen Cabdullaahi Cabdisalaan Sheekh Axmed (Shigshigow).
War-saxaafadeed kasoo baxay Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in Golaha Amniga Maamulka uu hay’addaha amniga Jubbaland ku amray in sida ugu dhakhsiyaha badan ku sameeyan baaritaano dhameystiran oo la xiriira dilkii Marxuum Shigshigow.
Sidoo Golaha Amniga Maamulka ayaa tacsi u diray ehelkii, Carruurtii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumka, iyagoona falkii ku tilmaamay inuu ahaa mid fool, hayeeshee la soo qaban doono cidii ka dambeeysay.
Rag ku hubeysnaa Bastoolado ayaa xaafadda Calanley ee Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose ku dilay Cabdisalaan Sheekh Axmed (Shigshigow) oo ahaa maamulihii Shirkadda Bangiga Amal ee Kismaayo.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Jubbaland.