Weerarkii Xabsiga dhexe oo lasoo afjaray iyo khasaaraha

Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar saacado qaatay oo dhexmaray Ciidamada Ilaalada Xabsiga iyo Xubno kamid ahaa maxaabiista Al-Shabaab, kuwaas oo  toogasho ka billaabay gudaha xabsiga.

Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan ayaa sheegay in lasoo afjaray weerarkaas, waxana uu sheegay in la dilay afar ka mid ah raggii dagaalamayay, halka mid kalena uu baxsaday.

Afhayeenka ayay sidoo kale sheegay in hadda ay ku guulaysteen ciidanka Dowladdu soo afjaridda dagaalkaas, waxaana uu sheegay in uu jiro khasaare kale oo ka dhashay inta is rasaasayntu ay ka socotay gudaha Xabsiga dhexe.

Waxaa la sheegay in maxaabiistu ay gacanta ku dhigeen hub taasina ay keentay in ay toogasho ku billaabaan ilaalada xabsiga, iyadoo markii danbe ay xabsiga soo gaareen Ciidamo kale oo gurmad ah, kuwaas oo soo afjaray weerarka.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media