Haweenka ku nool gobolka Shabeelaha Dhexe gaar ahaan magaalada Jowhar oo maanta xusaya maalinta caalamiga ah haweenka ee sideeda Maarso ayaa sheegay in fursada maalintaan ay muhiim tahay in looga faa’iidesto Baaqa ah gurmadka loo sameynayo dadka ay saameysay Abaarta.
Haweenka Shabeellaha Dhexe ayaa soo jeediyey in la kordhiyo gurmadka loo fidanayo dadkaasi,waxaana haweenku ay ballan qaadeen inay qaadan doonaan kaalintooda,si loo caawiyo dadkaasi.
Ururka Haweenka ee gobolka ayaa ku taliyey in xuska iyo dabaal daga maalinta haweenka looga faa’iideesto soo jeedinta ah in gurmad loo sameeyo dadka dhiban,waxaana ay hada udabaal dagayaan xuska maalinta haweenka oo munaasabadeedu ay ka socoto magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.