Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, John Kerry ayaa la filayaa inuu goor dambe oo maanta booqasho ku tago Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, wuxuuna la kulmi doonaa Dhigiisa dalka Kenya, Amina Mohamed iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta.
John Kerry iyo Uhuru Kenyatta waxa u qorsheysan inay berrito oo Isniin ah Kulan Khaas ah ku yeeshaan Aqalka Dowladda (State House) ee magaalladda Nairobi, waxayna ka wada hadli doonaan Ammaanka Gobalka, Iskaashiga La-dagaalanka Kooxaha loogu yeero Argagixisadda, Ammaanka Somaalia, Hawlgalka AMISOM iyo Doorashadda Kenya ka dhici doonta sannadka soo socda.
Dhinaca kale, Socdaalka uu John Kerry ku tagayo Kenya Waa Booqashadii Labaad ee uu ku tago dalkaasi, tan iyo bishii May ee sanadkii la soo dhaafay ee 2015-kii.
Wuxuu kaloo isla xilligaasi Booqasho Mar-la-arag ahayd ku yimid magaalladda Muqdisho, oo uu kula kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mas’uuliyiinta Taliska AMISOM.
© Radio Dalsan