Hay’addaha Ammaanka ee Kenya ayaa sheegay in Jihadiste British oo lagu magacaabo Maalik Yaasiin uu si dhuumaalaysi leh ku soo galay Kenya, si uu ugu biiro Dagaalamayaasha Alshabaab.
Ciiddanka Boliska Kenya waxay soo bandhigeen Sawirk Ninka la baadi-goobayo, waxayna dadka Reer Kenya ugu baaqeen inay Boliska la soo xiriiraan haddii ay xog ka hayaan Ninkaasi oo la sheegay inay dhici karto inuu iska xiiray gar weyn oo uu leeyahay.
Ma aha markii ugu horreysay oo ay Boliska Kenya u soo bandhigaan sawiradda Shaqsiyaadka la baadi-goobayo ee lala xiriirinayo Xarakadda Alshabaab.
Bishii October waxay Boliska soo bandhigeen magacyadda iyo sawiradda 5 Kenyan, kuwaasi oo la sheegay inay dib ugu soo laabteen Kenya, kadib, markii ay tababar ku soo qaateen Xerooyinka Alshabaab ee gudaha Somalia.
© Radio Dalsan   Â