Jeneral Tuuryare oo Ciiddanka Hay’adda NISA ugu hambalyeeyey 46-guuradii ka soo wareegtay Asaaskooda

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliyeed oo hambalyo u diray Ciiddanka Hay’adda NISA Sannadguuradii 46-aad ee ka soo wareegtay Asaaska Hay’addaasi.

Jeneral C/raxmaan Maxamed Tuuryare waxa uu  Hambalyo u diray dhamaan Ciidamada iyo hawl-wadeenada Hay’adda NISA, sanadguuradda 46-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Soomaaliyeed.

Jeneral Cabdiraxmaan Maxed Tuuryare  waxa uu ku amaanay Ciidamaddii guulihii ay ka gaareen sanadkii tagay dagaalka ay kula jiraan Alshabaab,sida burburinta Shabakado ka ka hawlgalayay meelo badan oo ka mid ah dalka kuwaas oo dhibaatooyin badan ku hayay dadwaynaha Soomaaliyeed.

Taliyuhu,wuxuu u rajeeyaya sanadkaan bilawga ah inay Hay’adda NISA gaarto guulo ka balaaran kuwii sanadkii hore,wuxuuna ku dhiirigaliyay nuucyada kala duwan ee Ciidamada iyo hawl-wadeenada Hay’adda in ay dhabarka uxirtaan sidii ay uga hortagilahaayeen falalka cadwgu uu ladamacsanyahay shacabka Soomaaliyeed.

©Radio Dalsan     

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor