Ilo-wareedyo la hadlay Telefishinka Aljazeera ayaa sheegay inay 2 Janaraal oo ka mid ah Afarta Janaraal ee ugu sarreysa dalka Turkiga inay is-casileen, saacado ka hor Kulan ay Golaha Sare ee Milliteriga dalkaasi kaga hadli lahaa dadaalka Dib-u-hagaajinta Nidaamka Ciiddamadda dalkaasi.
Wararku waxay sheegayaan inay Saraakiisahaasi isku casileen Dibadbaxyadda weli socda ee looga soo horjeedo Afgembigii Fashilmay ee bishan July 15-da ka dhacay Turkiga.
Dowladda Turkiga waxay hore u cayrisay in ka badan 1,233 Sarkaal oo ka tirsanaa Ciiddanka Turkiga, kuwaasi oo ay ku jireen 87 Sarkaal oo darajadoodu tahay Janaraal.
©Radio Dalsan