Jadwalka Imtixaanka Dowladda ee Shahaadiga Dusiyada Sare oo la shaaciyay

Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Caawa shaacisay Jadwadka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada sare ee dalka, kaas oo la geli doono 18-ka Bishaan Luuliyo.

Xafiiska Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda ayaa soo Bandhigay Jadwalka Imtixaanka shahaadiga ah ee sanadka 2019/ 2020 iyo Macluumaad kale.

Maalinta ugu horreeysa ee Imtixaanka ayaa waxaa ay Ardayda u fariisan doonaan laba Maado oo kala ah Soomaali iyo Juquraafi, waxaana Imtixaanka uu si rasmi ah u bilaaban doonaa 18-ka Luuliyo 2020.

Ardayda dhammeeysatay Waxbarashada Dugsiga sare ee dalka ayaa wada diyaar ballaaran oo ku aadan sidii ay u geli lahaayeen Imtixaanka Shahaadiga ah oo qaadeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hoos ka Akhriso Jadwalka Imtixaanka Shahaadiga ah iyo Macluumaad kale oo ku aadan gelida Imtixaanka oo lasoo Bandhigay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media