Itoobiya oo lagu eedeeyay inay dishay Ciidamo u dhashay Suudaan

Milateriga Suudaan ayaa ku eedeeyay ciidamada Itoobiya inay dileen 7 askari oo u dhashay Suudaan iyo qof rayid ah oo maxaabiis ahaan ay u heysteen.

Warbaahinta dowladda Suudaan wax faahfaahin kama aysan bixin dhacdadan.

Militeriga Suudaan wuxuu dilalka ku tilmaamay arrin khiyaano ah, waxay sheegeen inay jawaab ka bixin doono falkaas.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Itoobiya oo ku saabsan dilkan lagu eedeeyay.

Labada dal waxaa in muddo ah ka dhex taagnaa muranka dhanka xadka ah kaas oo soo ifbaxay labadii sano ee ugu dambeeyay, marar qaar dagaal ayaa ka dhacay deegaanka Al Fashaqa.

Suudaan ayaa sidoo kale ka carootay biyo xireenka weyn ee ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nile.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor