Baarlamaanka Puntland oo su’aalo weydiina Mas’uuliyiinta ugu sarreysa Hay’adaha Ammaanka

Baarlamaanka Puntland ayaa yeelanaya kulan ay ku hor imanayaa mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo ay ku jiraan Wasiirro iyo mas’uuliyiin kale oo su’aalo la weyndiin doono.

Fadhiga maanta ee Baarlamanka oo ay soo xaadireen 47 Xildhibaan ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Amniga Cabdisamad Maxamed Gallan iyo Wasiir ku-xigeenadda Amniga, Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Gen. Yaasiin Cumar Dheere, Taliyaha Ciidanka Booliska DPL Gen. Maxamed Cali Xaashi iyo Taliska Nabadsugidda iyo Sirdoonka Puntland kuwaa oo Golaha la wadaagaya Xaaladda Amni ee guud ahaan dalka.

Xildhibaannada ayaa su’aalo ka weydiin doona dhammaan qorshayaasha Amni ee dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor