Markii ugu horreysay taariikhda dalka Itoobiya shacabka dalkaasi waxay helayaan qiimo dhimis dhanka isgaarsiinta ah gaar ahaan qiimaha telefoonada.
Shirkadda kaliya ee isgaarsiinta ee ka jirta Itoobiya ee Ethio-Telecom ayaa ah mid ay dowladda gacanta ku haysa, waxaana muddo aad u dheer ay dadka dalkaasi ka cabanayeen qiimaha wicitaanka oo aad u qaali ah, gaar ahaanna marka ay wacayaan telefoonada dibadda.
Shirkadda isgaarsiinta dalkaasi ayaa hoos u dhigtay boqolkiiba 10 ilaa 40 qiimaha wicitaanka telefoonada dibadda.
Waxaa sidoo kale hoos loo dhigay qiimaha fariimaha telefoonada gudaha.
Shacabka ayaa kharashaad badan kaga bixi jiray wicitaanka dalalka dibadda, dadweynaha cabasho ayaa marar badan ka muujiyeen.
Shirkaddan ayaa hadda ka hor hoos u dhigtay qiimaha lagu isticmaalo Internet-ka.
Weriyaha BBC-da Cabdinaasir Sheikh Maxamed Xikam ayaa kusoo warramaya in dadweynaha ay la dhaceen go’aanka shirkadda ay hoos ugu dhigtay qiimaha wicitaanka iyo farrimaha isla markaasna ay si weyn usoo dhaweeyeen.
Dad badan ayaa rumeysan in shirkadda isgaarsiinta qaran lagu naas nuujinayo xukuumadda balse baarlamaanka dalkaasi ayaa horraan ansixiyay in qeyb kamid ah saamiyada shirkaddan laga gado shirkado gaar loo leeyahay ama shirkado ajaanibah si fa’aaido ay dowladda uga hesho.
Dadka isticmaaclaa adeegyada shirkadda Ethio-Telecom ayaa lagu qiyaasaa inay gaarayaan 67.5 bilyan oo qof.
Tallaabada ay shirkadda ku dhawaaqday ayaa ka qeyb ah isbadallada ka socda dalka Itoobiya tan iyo markii uu xilka la wareegay ra’iisul wasaare Abiy Axmed.
BBC SOMALI