Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayan in rag hubeysan ay rasaas kufureen Ciidamo Boolis ah oo ku sugnaa koontaroolka koonfureed ee Magaalada Gaalkacyo.
Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in rasaastan ay timid kadib markii Raga hubeysnaa iyo Askarta joogtay koontaroolka uu muran soo kala dhexgalay,isla markaana ay ku murmeen lacago laga qaadi rabay Baabuur taagneyd koontaroolka koonfureed ee Magaalada Gaalkayo.
Ugu yaraan hal askati ayaa ku dhintay,halka labo kale dhaawac uu ka soo gaaray rasaasta ay fureen raga hubeysnaa ,kuwaasi oo la dhigay dhaawacyadooda Isbitaalka weyn ee Magaalada Gaalkacyo.
Ragii fuliyay Falkan ayaa goobta isaga cararay sida la sheegay,waxaana goobta gaaray Ciidamo ka tirsan Booliska Magaalada Gaalkacyo.
Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Gaalkacyo ee ku aadan Ciidamadan maanta lagu rasaaseeyay koontaroolka koonfureed ee Gaalkacyo.