Israsaaseyn Khasaaro geysatay oo ka dhacday deegaan ka tirsan Mudug

Faah faahino ayaa laga helayaa Ciidamo ka wada tirsan Booliska Gobolka Mudug oo duhurnimadii Maanta Israsaaseyn ku dhexmartay deegaan lagu magacaabo Bandarqaali oo ka tirsan Gobolkaas.

Israsaaseynta dhexmartay Ciidamada ka wada tirsan Booliska Gobolka Mudug ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiraxmaan Isxal oo ku sugan deegaanka Bandarqaali ee Maanta Israsaaseynta ka dhacday ayaa waxaa uu sheegay in hal ruux oo shacab uu ku  dhintay goobta, halka dhaawac uu soo gaaray Askari ka tirsan Ciidanka Booliska.

Sidoo kale Guddoomiye Cabdiraxmaan ayaa waxaa uu tilmaamay in xal laga gaaray Khilaaf oo soo kala dhexgalay Ciidanka Booliska, isla markaana xaalada deegaanka ay tahay mid degan.

Ciidamada Maanta Israsaaseyn ku dhexmartay deegaanka Bandarqaali ayaa waxaa la sheegay in halkaas ay u tageen sidii ay u kala dhex geli lahaayeen laba Maleeshiyo beeleed oo isku heysta Ceelbiyood ku yaalla deegaanka bandarqaali ee Gobolka Mudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media