Cumar Al-Bashiir oo loo gacan gelinayo Maxkamadda dembiyada ee ICC

Hogaamiyeyaasha hadda ka taliyo Suudaan waxay maxkamadda dambiyada caalamiga ah ku wareejinayaan madaxweynihii hore ee dalkaas Cumar Xasan Al Bashiir kaas oo lagu eedeeyay inuu galay dambiyo dagaal.

Al Bashir ayaa wajahayaa eedeymo la xiriira xasuuq iyo dambiyo dagaal, kuwaas oo dhacay markii uu socday dagaalkii gobolka Daarfuur sannadkii 2003-dii.

Cumar Al Bashiir ayaa xilka laga tuuray bishii April ee sannadkii lasoo dhaafay.

Wuxuu xilka kula wareegay inqilaab militari sannadkii 1989-kii.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media