Madaxweynaha dalka Suudaan, Cumar Xasan Albaashiir ayaa la filayaa inuu xilka ka dego saacadaha soo socda, isla markaana uu Ku-xigeenkiisa, Jeneral Axmed Cawad Bin Coof madax ka noqon doono Gole Ku-meel-gaar oo talada dalka sii hayn doono.
Saraakiil isugu jira kuwa haatan shaqeeya iyo kuwa hore ayaa la xiray, iyadoo la sheegay in la fashiliyey Isku-day Afgembi xilka looga tuuri lahaa Madaxweyne Albashiir oo talada dalkaasi hayey tan iyo bishii Juun ee sannadkii 1989-kii.
Milliteriga dalkaasi waxay ku dhawaaqeen in la dhisayo Gole Ku-meel-gaar oo uu madax ka yahay Madaxweyne-ku-xigeenka, Cawad Bin Coof.
Gaadiidka Dagaalka ee Milliteriga Suudaan ayaa la sheegay in la dhigay Waddooyinka muhiimka iyo Buundooyinka ku yaalla magaalladda Khartuum.
Idaacadda iyo Telefishinka Dowladda waxay mar sii horreysay sheegeen inay Ciiddanka Suudaan sida ugu dhaqshaa badan u soo saari doonaan Hadal-qoraal oo muhiim ah.
Dhowr Gaadiidka Milliteriga oo ay ciiddan la socdeen ayaa waxay gudaha u gaaleen Xarunta Dhexe ee Ciiddamadda dalkaasi oo ay ku yaallaan Houga Madaxweyne Albashiir iyo Wasiirka Difaaca.
Dadweynaha wey dabaal degayaan, waxayna ku dhawaaqayaan” Waa dhacay, waan guuleysanay”.
Kulan ay yeesheen Kooxda Mucaaradka ee Xirfadlayaasha dalkaasi waxay sheegeen inay oggolaan doonaan oo keliya in Talada dalkaasi lagu wareejiyo dad rayid ah.
Si kastaba haahaatee, Xaalladda dalka Suudaan ayaa waxay madaxa la geli doontaa Xilli-kala-guur oo aan la saadaalin karin waxa uu noqon doono Mustaqbalka dadka iyo dalka Suudaan .