Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday galinkii dambe ee maanta deegaanka Moqokori ee gobalka Hiiraan, halkaas oo hore ay ugu sugnaayeen ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay la wareegeen Moqokori, hase yeeshee ilo-wareedyo kala duwan oo saraakiil ciidan iyo shacab isugu jira oo VOA-du la hadashay ayaa sheegay in qadka isgaarsiinta oo hawada ka maqan aawgeed in aan la xaqiijin karin qabsashada Moqokori.
Ciidamada dowladda ayaa dhawaan la wareegay Moqokori kadib ku dhawaad mudo sanad ah oo Al-Shabaab ay ka arriminayeen degaanka.
Moqokori ayaa ah degaan muhiim ah oo isku xira goballada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.