Kadib, Duqeyntii Diyaaradda Helikoptarka ee lagu dilay 42 Qaxooti Soomaali la socotay dooni ka shiraacatay Dekedda magaalladda Xudeydah ee Galbeedka Yemen, waxay Isbahaysiga Milliteriga ee ay Sacuudiga hoggaamiyo soo saareen War-saxaafadeed ay ugu  baaqeen in Maamulka QM la hoos geeyo Dekedaasi Istaraatijiyadda leh.
Markii ay Isbahaysiga Sacuudiga beeniyeen inay mas’uul ka yihiin Weerarkaasi, waxay ku baaqeen in Awoodda QM la hoos geeyo Dekedda Xudeydah, laguna wareejiyo QM.
War-saxaafadeedka Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga laguma soo qaadin Baaqii Dowladda Somalia ee ku aadanaa in Baaritaan lagu sameeyo weerarka lagu dilay Qaxootiga Soomaalida ee la socday Doonida lagu weeraray Xeebaha Yemen.
RW Xasan Cali Kheyre ayaa ku baaqay in la baaro jihadii ka dambeysay weerarkaasi oo lagu tuhumayo Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga ee Hawlgalka Dagaal kula jira Maleeshiyadda Xuutiyiinta ee ay Iiraan taageerto.
Dhinaca kale, Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) waxay Jimcihii sheegtay in Qaxootiga la weeraray ku sii jeedeen Xeebaha dalka Sudan, markii uu markab dagaal rasaas ku furay.
©Radio Dalsan